Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Furay Shirka Khudbadna Ka Jeediyay Shirka Wada Tashiga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka shirka wada tashiga ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga furmay xarunta gollaha shacabka waxa uu ugu horey madaxweyna Shariif uga mahad celiyay dhammaan wafuudii ka soo qayb gashay shirka sida madaxweynaha maamulka Puntland, Galmudug, AHSWJ, beesha caalamka oo shirka ka soo qayb gashay sidoo kale waxa uu u mahad celiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midoowga Afrika ee magaalada Muqdisho ka sadaaray kooxdii horarka ahayd ee Shabaab.

Madaxweynaha ayaa intaasi kaddib ka hadlay waxa uu ku saabsan yahay shikaan ay Soomaalida oo dhan ay isugu yimaadeen waxa uu tilmaamay in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad jecel nabad iyo walaaltinimada, isagoo xusay in shirkaan uu yahay fursad aad u wanaagsan oo sooo martay shacabka Soomalaiyeed.

Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda ka hadlay in shirkaan looga faa’ideeysan doono in dalka lagu hoggaamiyo kala sooc la’aan iyo xurnimo, waxa uu tibaaxay in lagu soo celin doono shirkaan dhammaan adeegyadii bulshada si dalka uu uga soo kabsado dhibaato labaatanka sano dalka uu ku jiray.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha abaaraha oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada qayb qaato sidii dadka Soomaaliyeed dhibaato looga saari lahaa oo dalka loo gaarsiin lahaa isku filnaansho, waxa uu sheegay in arrimaha abaaraha ay yihiin kuwa ugu horeeyay ee ay dowladda Soomaaliyeed ahmiyada siin doonto, isagoo hoosta ka xariiqay in ammaanka sidoo kale uu yahay mid lagama maarmaan ah oo la doonayo in laga wada shaqeeyo.

Waxa uu ammaan u soo jeediyay madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug oo soo uu heegay in ay mkuujiyeen in ay diyaar u yihiin ka qayb ka qaadashada dib u dhiska dalkooda, ” waa ay ku mahadsanyihiin dhammaan madaxda maamulladaasi oo ah dad doonaya in Soomaaliya ay gaarto heerkii looga bartay oo ah fir fircooni” ayuu yiyi madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu danbeeyntii waxa uu ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya dadka ay u suura gali weysay in ay ka soo qayb galaan shirka in ay raali ku noqdaan balse dadkaasi ay wakiil ka tahay dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in shikaan maanta dalka ka furmay in laga gaari doono guullihii laga rajeeynay.

Add New Comment