Mareykanka oo ka hadlay dagaalladii Kismaayo
Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka ayaa hadal ka soo saartay dagaaladii Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in awooda Al-Shabaab la wiiqay, balse ay jiraan weeraro ay geysan karaan.
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Johny Carson ayaa wariyeyaasha u sheegay in Shabaab awoodoodii la wiiqay, hase ahaatee ay jiraan calaamado muujinaya in weeraro kale ay fuliyaan
Mr Carson ayaa sheegay in Al-Shabaab dagaaladii u dambeeyay ee Jubada Hoose awoodii milateri, dhaqaale iyo siyaasadba ay hoos u dhacday.
"Shabaab ma lahan awood ciidan oo haatan wax difaaci karta, laakiin waa sameyn karaan isku day walba oo ku aadan weeraro kasta, sida is qarxin, dhaqaale ahaan iyo milateri ahaan hoos ayuu u dhacay"ayuu yiri Carson.
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ayaa sidoo kale qeexay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo dowladda cusub ee Soomaaliya, si ay looga adkaado Shabaab.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Geeska Afrika ayaa beeniyay in howl galkii Milateri ee dhinaca badda lagaga qaaday Kismaayo ay qeyb ka ahaayeen, isagoo xusay in taageeradooda kaliya ay tahay tababarka iyo qalabka.
Kismaayo ayaa ah magaalada ugu weyn ee ku taal Koofurta Soomaaliya, waxay leedahay Deked iyo Air Por, waxayna saddexdii sano u dambeysay Al-Shabaab u aheyd magaalo ay ku xooganaayeen, dhaqaale fara badan ka soo geli jiray.
Add New Comment
|
|
|