Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa
maanta dalka dib ugu soo laabtay ayadoo kumanaan dadweyne ah ay maanta isu soo
bax ay ku taageerayaan madaxweynaha ay ka dhigeen magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo
uu uga soo qeyb galay aaska R/wasaarihii hore ee dalkaasi Meles Sanaawi Waxaana
garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka
Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud
Axmed Nuur “Tarsan”, Taliyeyaasha ciidamada XDS iyo Booliska iyo in ka badan
boqol xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.
Dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo ardayda dugsiyada
ayaa isugu soo baxay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada,
ayagoo sita calanka dalka, hal ku dhigyo ay ku taageerayaan in madaxweynuhu uu
mar labaad dalka hoggaamiyo iyo sawirrada madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada ayaa sheegay
in uu la kulmay R/wasaaraha Dalka Ethiopia Xeyle Maryam oo ay isku raaceen in
xiriirka labada dowladood uu sii socdo, ayadoo la adkeynayo iskaashiga lagu
nabadeeyo geeska Afrika.
“Waxaan is aragnay R/wasaaraha KMG ah markii horena ahaa R/wasaare ku
xigeenka Ethiopia, waxan ka wada hadalnay marxaladda kala guurka ah ee ay
galayaan iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya halka ay mareyso, waxaana
isla garanay in siyaasaddii hore ee lagu socday la sii xoojiyo” ayuu yiri
madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in si guul ah ay ku
dhammaato doorashada madaxweynaha dalka, si waddanku uu u helo dowlad rasmi ah
oo ka saarta dhibaatada muddada dheer ka jirtay, soona celisa sumcaddii daalka
iyo dadka Soomaaliyeed.