Guddiga Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta billaabay qabashada araajida mas'uuliyiinta daneeynaya inay isu soo taagaan qabashada jagada ugu sarreysa
dalka oo ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Qabshada codsiyada ayaa waxa ay socon doontaa ilaa Lixda bishan
Sebtember.
Shalay ayey xubnaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen shuruudaha
looga baahan yahay inay soo buuxiyaan mas'uuliyiinta u tartamaya madaxtinimada
Soomaaliya.
Shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta ayaa ah sidan:
- Inuu Soomaali yahay.
- Inuu caafimaad qabo.
- Inuu afartan sano ka weyn yahay.
- In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
- In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
- Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
- Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
- Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali
ah.
- In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka
tartamaya.
- In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan
Sebtember.