Al-Shabaab oo la sheegay inay isaga baxeen magaalada Kismaayo


Kisma.jpgCiidamada Xarakatul Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga baxeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayadoo dadweynaha magaaladaasi ku dhaqanna ay durbaba billaabeen inay ku xoomaan bililiqeystaanna xarumihii Shabaabku ay kaga sugnaayeen magaalada.

Goobjoogayaal lagula xiriiray qadka telefoonka ayaa sheegay in habeenimadii xalay ay maqlayeen guuxa gaadiidkii dagaal ee Xarakatul Shabaab oo isaga sii baxaya goobihii ay kaga sugnaayeen magaalada Kismaayo.

Xoogagga Xarakatul Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in intii aysan xalay ka bixin magaalada ay xabsiyadooda kasii daayeen maxaabiis fara badan oo u xirnaa dembiyo kala duwan oo ay horey Shabaabku ugu eedeeyeen.

Waxa kale oo lasoo sheegayaa in idaacaddii ku hadli jirtay codka Shabaab ee Al-Andulus ay hawada ka baxday kaddib markii ay maalmihii u dambeeyey oo dhan ay sii deyneysay barnaamijyo ku aaddan dagaalada, duulaanka lagu soo qaaday iyo sida loogu baahan yahay in jihaadka laga wada qaybqaato.

Xaaladda magaalada ayaa haatan ah mid kacsan, ayadoona hareeraha magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ah ee isugu jira Soomaalida iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayadoona la filayo in saacadaha soo aaddan ay gudaha u galaan magaalada.


Add New Comment