Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Ka Hadlay Maamul Gobolleedyada Dalka Laga Dhisayo




Madaxweyne1.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, waxbarashada iyo siyaasadda ayaa sheegay in dowladda FDKMG ah ee Soomaaliya in qorshaheeda uu ku jiro in maamul gobolleedyo dalka laga dhisiyo balse muhiimaddu ay tahay in ay ku dhismaan si sharciga waafaqsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay munaasabad uu uga qayb galay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso maamul gobolleedyada dalka ka jira iyo xilka ka saaran dowladda Soomaaliya ayuu madaxweynuhu tilmaamay in maamul gobolleeyada ay dowladda ugu qoray yihiin Axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay madaxweyne Shariif in dowladda aysan marna aqbali doonin in cid walba sida ay doonto in ay wax u sameeysato isagoo xusay in masauuliyaddaasi ay leedahay dowladda Soomaaliya, mudane Sheekh Shariif ayaa farta ku fiiqay in xukuumadda ay waddo dadaal loogu jiro in maamul gobolleedyo dalka laga hirgalliyo balse arrintaasi ay tahay howl u taalla dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyanaha Jamhuuriyadda ayaa soo haddal qaaday arrimaha waxbarashada isagoo sheegay in dowladdu ay billooway in arday Soomaaliyeed oo dowladdo wallaalo ah ka hellay fursado waxbarasho in ay dirto waxa uu xusay in ay soo baxeen cabashooyin arrintaasi ku aadan waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay jawaab ka bixin dooto isagoo tibaaxay in dowladdu ay garab istaagi doonto dadka aan awoodda u laheyn in ay dibaddaha aadaan.

Khudbada madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ahayd mid aad u dheer ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka gaar ahaan tan ka hirgashay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in loo baahan yahay in nabadda ay ka wada shaqeeyaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Mudane Sheekh Shariif ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dadka aduunka ugu fahan iyo nabadda jecel isagoo sheegay in dowladda Soomaaliyeed waajibaadka ka saaran in dalka ay ka saarto Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab ay fulin doonto goor dhowna dalka oo dhan lagu sureeyn doono kooxahaasi horarka ah.


Add New Comment