Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa ururrada bulshada rayidka ee ka
howlgalla gudaha Dalka.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa Madaxweynaha Dalka iyo xubnihii ka socday
ururrada Bulshada rayidka ay isla falan qeeyaan sida xiligan wax looga qaban
karo xaaladda dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan samatabixinta iyo hormarka
umadda Soomaaliyeed ururrada Bulshada Rayidka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulanka
khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Dowladiisu ay la dagaalameyso musuq
maasuqa si loo helo dowlad tayeysan oo gudata waajibaadka ay ka sugayaan
shacabka Soomaaliyeed ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu tilmaamay in dowladdu
ay adkeyn doonto amniga Dalka.
Maxamed Gacal Abkoow oo ka tirsan ururrada Bulshada rayidka oo kulanka
khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in ururrada bulshada rayidka ah ay gacan ka
geysan doonaan sidii loo wacyi gelin lahaa dhalinyarada horey loo qalday si ay
uga qeybqaataan hormarka dalkooda maadaama ay dhalinyaradu yihiin mustaqbalka
dalka.
Kulanka ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan waxaana kulankan uu qeyb ka
yahay kulammo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud la tashiyo kula sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi
oo la xiriira samatabixinta iyo hormarinta Dalka.