Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqdasho howleed ku tagay
xarunta taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, halkaasoo uu kulan kula
qaatay saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa uu ugu horreyntii salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kooxda baambeyda oo loo sii diyaariyey soo dhoweynta madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta booqashadiisa ku weheliyey.
Intaas kaddib ayaa waxa xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka bilowday kulan uu madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa uu maalmihii ugu dambeeyey waday booqashooyin uu ku sameynayey talisyada ciidamada qaranka, qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumihii dowladda ee ay isaga baxeen dagaalyahannadii Al Shabaab, taasoo ay dad badani ku micneeyeen in dowladdu ay diyaargarow ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd gebi ahaan magaalada Muqdisho oo ay haatan qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin dagaalyahanadii Al Shabaab.