Siihayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa
xarunta QM ee magaalada New York kulamo kula qaatatay madax kala duwan oo ka
qayb galaysa kulanka sanad laha ah, waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxweynaha
Maraykanka Barack Obama, Xooghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon, Ra’iisul Wasaaraha
Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iiusl wasaaraha Australiya Julia Gillard, iyo
Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Ahmet Davutoglu.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamadii
uu la qaatay madaxda kala duwan uga warbixiyey xaalada dalka Soomaaliya ee
dhanka siyaasada iyo Amniga isagoona u sheegay madaxdaas in Soomaaliya ay ku
talaabsatay horumar dhanka siyaasada ah kadib markii 20 Augst la dhaariyey
Baarlamaan cusub sidoo kale 10 Sept. si dimuquraadiyadi ku jirto loo soo
doortay Madaxweyne Xassen Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay kulan laqaatay
qaybaha kala duwan ee UN waxaan shirkaas goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee QM
Ban-ki-Moon iyo Mahiga, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada
shaqaynta ka dhaxaysa dowlada Soomaaliya iyo QM, iyadoo dib u eegisna lagu
samayn doono qaabkii loo wada shaqayn jiray xiligii uu dalku ku jiray KMG
madaama ay Soomaaliya maanta lee dahay dowlada Rasmi ah.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa
la filayaa maanta inuu ka qayb galo kulan gaar ah oo diirada lagau saarayo
arimaha Soomaaliya waxaana kulankaas shir gudoominaya Xooghayaha Guud ee QM iyo
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana kulankaas looga hadlayaa sidii Soomaaliya
looga taageeri lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo Amniga, Ra’iisul wasaaraha ayaa
bari kulan laqaadan doona madaxweynaha South Africa Jocab Sumu, wuxuuna Ra’iisul
wasaaruhu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doonaa shirka loo dhan
yahay ee Qaramada Midoobay.