Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga hay'adaha maaliyadda Dowladda Soomaaliya
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa anasixiyay maanta oo Isniin ah sharciga hay'adaha maaliyadda DKMG ah, kaddib saddex maalmood oo laga doodayay, iyadoo kulanka maanta uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/weli Sheekh Ibraahim Muuddeey.
Kulankii maanta ayaa waxaa xaadiray 292 xildhiabaan iyagoo dood adag ka yeeshay sharciga ka hor intii aan codka kalsoonida loo qaadin, waxaana qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanku ay soo jeediyeen in sharciga wax laga bedelo, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in la ansixiyo.
Wasiirka maaliyadda iyo lacagta C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha bankiga dhexe C/llaahi Xaaji Jaamac Cali ayaa goobjoog ka ahaa kulankii maanta lagu ansixiyay sharciga hay'adaha maaliyadda, iyadoo su'aalo lagu weydiiyay kulankii shalay ay xildhibaannadu yeesheen.
Doodda kaddib ayaa wuxuu guddoomiye ku xigeenka koowaad soo jeediyay in cod gacan taag ah la geliyo sharciga, iyadoo 290-mudane oo ka mid ahaa kuwii maanta kulanka soo xaadiray ay u codeeyeen sharciga, halka labada mudane ee kalena ay ka aamuseen, mana jirin cid diidday.
"Xildhibaannadii kulanka soo xaadiray waxay ahaayeen 292 mudane, waxaa codka kalsoonida siiyay sharciga haya'daha maaliyadda ee dowladda KMG ah 290 xubnood, laba waa ka aamuseen, mana jirin cid diiday," ayuu sheegay C/weli Muuddeey oo ku dhawaaqayay natiijada codeynta.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in sharcigan uu ansax yahay wixii maanta ka dambeeya, isagoo ugu dambeynna soo xiray kulanka baarlamaanka, kumana uusan dhawaaqin xilliga uu dhici doono kulanka soo socda.
Add New Comment
|
|
|