Ciidamada AMISOM oo la wareegay saldhig ku yaal Galbeedka Beledweyn
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa la wareegay saldhig Ciidamada Itoobiya kaga sugnaayeen galbeedka magaalada Beledweyn, halkaasoo saaka lagu arkay Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Ethiopia ayaa baneeyay fariisimo ay ku lahaayeen xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Beledweyn, iyagoo ku wareejiyay fariisimihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Jabuuti.
Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay la wareegeen ammaanka xaafada Howlwadaag.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti ay la wareegi doonaan fariisimo ku yaal daafaha magaalada, sida Buurta Janta-Kundishe oo magaalada u jirta 5-KM.
Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii raacii labaad Ciidamo ka socda Jabuuti ay soo gaareen Beledweyn, iyagoo safar dhulka ah ku yimid.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Beledweyn dhaq dhaqaaq ciidan oo Ciidamada AMISOM kula wareegayaan ammaanka magaalada, iyadoo lagu wado in Ciidamada Itoobiya ay baneeyaan magaalada.
Add New Comment
|
|
|