Dayaarad nooca wax basaasa ah oo ku soo dhacday magaalada Kismaayo


Dayaarad nooca wax basaasa ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib markii sida la sheegay ay rasaas ku rideen ciidamada Xarakatul Shabaab.

Dayaaraddan ayaa waxa la sheegay inaysan sidan wax hub ah, hase ahaatee ay ku rakibnaayeen kaamerooyinka wax sawira ee loo adeegsado xagga basaasidda, waxayna dadka degaanka sheegayaan in dayaaraddu markii ay soo dhacday aanan lagu arkin wax rasaas ah oo korkeeda ku dhacay.

Dayaaradda ayaa la sheegay inay magaalada uga timid dhanka badda, taasoo dadka degaanka ay ku tilmaameen in ay kasoo dul kacday maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

Dayaaradda ayaa waxa goobtii ay ku soo dhacday soo gaaray ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab kuwaasoo burburkii dayaaradda u qaaday mid ka mid ah xarumaha ay xarakadu ku leedahay magaalada Kismaayo, welina wax war ah kama soo bixin dhinaca Al-Shabaab.

Dayaaradaha wax basaasa iyo kuwa wax weerara ee aan duuliyaha lahayn ayaa waxa ay beryahan dambe si isdaba joog ah u dul heehaabayeen hawada gobollada Jubooyinka, ayagoona mararka qaar weeraro ku qaadayey saldhigyo lagu tuhmayey inay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaal ka tirsan Xarakatul Shabaab.




Add New Comment