Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada dowlada
Ingiriiska Sir Peter Wall iyo safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt
Bough.
Madaxweynaha ayaa si dheer u falanqeeyay qorshe howleedkiisa ku saabsan
dhisidda iyo kor u qaadista tayada ciidamada qalabka sida iyo dowrka ay ku
yeelan karto dowlada Ingiriiska.
“Waxaan rabnaa in aan bedelno dhaqanka iyo habka tababarka ciidanka, waxaan
dooneynaa in aan abuurno ciidan qaran oo tayo leh. Sidaa darteed waxaan u
baahanahay in aan helno taageero toos ah oo loo fidiyo hay’adaha dowlada”. ayuu
yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad siineyso
tayeynta hay’adaha dowliga ah, iyadoo lala kaashanayo dadka iyo dowladaha
khibradda u leh arrintan, isagoo dowlada Ingiriiska ka codsaday in ay gacan ka
gaystaan qorshahaan. “waxaan diiradda saareynaa in dad xifrad yahano ama khuburo
ah ay la howl galaan ama caawiyaan shaqaalaha dowladda, si loo dhiso awoodda
hay’adaha dowladeed”. ayuu yiri.
Taliyaha Guud ee ciidamada Ingiriiska Sir Peter Wall ayaa faahfaahiyay sida
ay uga go’antahay ra’iisul wasaare David Cameron iyo dowladdiisa in ay wada
shaqeyn buuxda dhexmarto dowlada Soomaaliya iyo Britain, Wuxuuna tilmaamay in
dhinacyada ay Soomaliya ka caawinayaan ay ka mid tahay dhisidda ciidamada.
Ugu dambayntii safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Bough ayaa u
sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay taageero
dhan walba ah ay siiso dowlada Soomaaliya.