Ururka Xisbul Islaam oo la sheegay inuu ka go'ay Al-Shabaab
Afhayeen u hadlay Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta sheegay in ururkoodu uu ka go'ay Ururka kale ee Xarakada Al-Shabaab oo ay ku biireen bishii Disember ee sanadkii 2010-ka, markaasoo gebi ahaanba la baabi'iyey magacii Xisbul Islaam.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Maxamed Macalim ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxdii ururkii Xisbul Islaam aysan marnaba ka qayb qaadan hoggaanka siyaasadda, maamulka iyo ideologiyada ee Al-Shabaab haatanna ay dib ula soo noqdeen madaxbannaanidoodi.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ururkoodu soo saaray bayaan ka koobnaa 6 qodob :-
1 - Mas'uuliyiinta Xisbul Islaam waxay ka laabteen isku biiriddii iclaamiga ku ekeyd ee ay ku biireen Al-Shabaab, taasoo lagu doonayey in wax lagu xalliyo, ayna ku xallismi waayeen.
2 - Waxaan caddeyneynaa inaanan ka mid ahayn, kuna manhaj, maamul iyo siyaasad ahayn Al-Shabaab.
3 - Xisbigu wuxuu qaatay barnaamij siyaasaded oo uu kula xaajoon karo cid kasta oo ka shaqeyneysa ama wada danta iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
4 - Xisbigu wuxuu baadigoob dheer u geli doonaa in la soo celiyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed.
5 - Xisbigu wuxuu aaminsan yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka.
6 - Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in ciidamada shisheeye ee jooga dalka ay si sharcidarro ah ku joogaan iyo inay yihiin ciidamo ixtilaal ah.
Afhayeenka ayaa intaas raaciyey in barnaamijkan ay dib uga laabteen ka mid ahaansha Ururka Al-Shabaab uu soo socday waqti dheer, ayna jireen wadatashiyo dhaadheer oo ay mas'uuliyiinta Xisbigu la yeesheen culimaa'udiinka, waxgaradka, aqoonyahanka, qaybaha bulshada iyo odayaasha dhaqanka, kaddib markii uu soo baxay inxiraaf diini ah iyo isbedel siyaasadeed oo ay ku dhaqmeen madaxda Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa rajo ka muujiyey inay suurtagal tahay in ay la hadlaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo ay sheegeen inay sabab uga dhigayaan inay meesha ka baxeen kooxihii xagal daaciyey jihaadka ee u kala safri jiray Addis Ababa iyo Kampala, kuwaasoo sida muuqata ay ula jeedeen hoggaankii sare ee Dowladdii KMG.
Ugu dambeyntii afhayeenka ayaa sheegay in wadahadal iyo wada shaqeyn dhex marta ayaga iyo dowladda Soomaaliya ay ku xirnaan doonto sida ay ula muuqato, bal in dowladdu tahay mid danaha ummadda ka shaqeyneysa iyo in ay tahay mid wadata dano gaar ah.
Weli waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay hoggaanka sare ee Xisbul Islaam oo ka baxsan bayaankan uu maanta ka dhawaajiyey Sheekh Maxamed Macalim oo sheegtay inuu yahay afhayeen Xisbiga, sidoo kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab.
Ku biiriddii uu Xisbul Islaam ku biiray dabayaaqadii sanadkii 2010-ka ayaa waxa ay dad badani u arkayeen in aysan ku imaan doonis madaxdii xisbigu ay doonayeen inay sidaas yeelaan, balse ay ku timid xoog iyo awood sheegad ay Al-Shabaab kula kaceen xisbiga, kaddib markii ay kala dooransiiyeen isku biirid ama dagaal.
Add New Comment
|
|
|