Wafdi ka socda Somaliland oo gargaar u wada dadka walaalahood ah ee ay saameysay abaarta ku dhufatay gobollada koonfuree ee Soomaaliya ayaa maanta duhurnimadii soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, odayaal dhaqameed iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Wafdiga reer Somaliland ayaa waxa hoggaaminayey guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland, waxaana wafdigaasi ka mid ahaa abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo xubno kale oo ka kooban ururada bulshada rayidka ah ee reer Somaliland.
Dowladda iyo dadka reer Somaliland ayaa waxa ay dhowaan qabteen olole gargaar loogu ururinayo abaaraha Soomaaliya, taasoo ay ku uruuriyeen adduun dhan 700 oo kun oo dollar oo ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee xeryaha kaga jira magaalada Muqdisho iyo dalka Kenya.
Abwaan Hadraawi oo warbaahinta Muqdisho la hadlayey ayaa ugu horreyntii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sanado badan kaddib kusoo laabto magaalada Muqdisho, hase ahaatee abwaanku waxa uu ka dayriyey xaaladda ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah, wuxuuna ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay dadkooda dhibaateysan gargaar lasoo gaaraan, sidoo kalena waxa uu baaq kaasi la mid ah u jeediyey hay'adaha gargaarka.
Tallaabadan ay Somaliland qaadday ayaa ah mid ku dayasho mudan oo horseedi karta in dadka Soomaalida ah ay sidaas oo kale isugu gurmadaan waqti kasta iyo meel kasta oo ay duruuf u adag sida midda haatan ka taagan gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay timaado.