Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
cambaareeyay dilkii xaq darada ahaa ee xalay loo geystay mid ka mid ah Xubnaha
Golaha Shacabka Soomaaliyeed marxuum Xaaji Mustafa Maxamed Cabdullahi oo ka
mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoskii,
qaraabadii, asxaabtii, Golaha Shacabka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay
mas’uulka qaran ee asaga oo aan waxba galabsan xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa hay’adaha amniga ku war galiyay in ay dardar-galiyaan
sugida amniga, asagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay muhiimada amingu u
leeyahay qorshe siyaasadeedkiisa, si looga hortago dilalka qorsheysan ee markasta
loo geesto shacabka iyo masuuliyiinta qaranka.
Ugu dambayn, waxuu Madaxweynahu ALLE uga baryayaa marxuum xildhibaan Mustafa Maxamed
Cabdullahi in uu janadi rabi ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladii
uu ka tagay.