Xildhibaan ka tirsanaa xildhibaannada cusub ee barlamaanka Soomaaliya
laguna magacaabi jiray Mustaf M. Cabdullaahi ayey xalay maqribnimadii
waqtiga Muqdisho koox bastoolado ku hubeysan kudileen agagaaraha
gurigiisa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Dilka
xildhibaankan ayaa ku soo beegmay xilli ay dialalka qorsheysan ee ka
dhaca magaalada Muqdisho ay maalmihii u dambeeyey soo kordhayeen, hase
ahaatee waxaan weli si dhab ah loo ogeyn cidda ka dambeysay dilkiisa,
ayadoo aysan jirin cid weli si rasmi ah u sheegatay.
Raggii dilka u
geystay marxuum Mustaf Xaaji Cabdullaahi ayaa dilka kaddib ka baxsaday
goobta, ayadoo ciidamada ammaankuna ay sheegeen inay ku raadjoogaan
raggi falkaasi foosha xun ka dambeeyey, ayna ku rajo weyn yihiin in la
soo qaban doono.