Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowgga Africa ee AMISOM, watana gaadiid dagaal ayaa maalinimadii shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sarkaalka ciidamadaasi horkacayey oo lagu magacaabo Col. Cismaan Dubad ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey sheegay in ciidamadiisu qayb ka yihiin AMISOM, magaalada Beledweynena ay u yimaadeen inay ka qayb qaataan howlgallada la doonayo in lagu sugo ammaanka guud ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada reer Jabuuti ee shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa ah kuwo aad u qalabeysan, watana gaadiid dagaal oo fara badan, waana markii labaad ee ay Beledweyne soo gaaraan ciidamo reer Jabuuti ah oo qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Tirada ciidamada reer Jabuuti ee hadda ku sugan Beledweyne ayaa lagu qiyaasay inay dhan tahay ilaa iyo 500 oo askari, ayadoona la filayo in qayb seddexaad oo lagu sheegay inay ka tiro badnaan doonto qaybihii horey halkaasi u gaaray ay dhowaan soo gaari doonaan isla magaaladaasi.
Dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne ayaa aad raalli uga ah joogitaanka ciidamada reer Jabuuti ay joogaan qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne, halkaasoo ay kaga qayb qaadanayaan sugidda ammaanka magaalada.
Magaalada Beledweyne ayaa haatan waxa ku wada sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, Jabuuti iyo ciidamo Ethiopian ah oo ayagu horey gacan uga geystay duulaankii ay ciidamada dowladdu kula wareegeen xarunta gobolka Hiiraan.