Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan oo maanta si heer qaran ah Muqdisho lagu aasay


Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuro ku yaalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay xildhibaan Xuseen Cabdisalaan oo ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo shalay la dilay.

Aaska marxuumka waxaa ka qeybgalay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, guddoonka maxkmadda sare ee dalka, qaar kamid ah eheladiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, oo hadal ka jeediyay goobta aaska ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la aqbali doonin in koox hubeysan inta ay disho qof mas’uul ah ay haddana goobta si nabdoon uga baxsato.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Jaamac Oday ayaa ku baaqay in laga taxadrro ammaanka mas’uuliyiinta dowladda iyo kan shacabka, si looga hortago falalka noocaan oo kale ah.

Shalay galab ayey aheyd markii rag bastoolado ku hubeysnaa ay degmada Wadajir ku toogteen xildhibaan Xuseen C/salaan.


Add New Comment