Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa xarunta madaxtooyada kulan kula
qaatay safiirka Midowga Yurub ay u soo magacaawday dalka Soomaaliya iyo wafdi la socday.
Kulanka oo ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa markii uu soo idlaaday
waxaa uga waramay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Xaamud
Cali Maasheeye waxa uuna sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo wakiilka Midowga
Yurub u qaabilsan Soomaaliya ay uga wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay
wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.
Michal Caravan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ugu horayntii shacabka
Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay isbadelada ka dhacay dalka iyo madaxda cusub ee la
doortay waxa uuna tilmaamay in midowga Yurub ay ka go’an tahay in la adkeeyo
xiriirka Soomaaliya kala dhexeya midowga Yurub.
kulankan maanta uu laqaatay Madaxweynaha ambasadorka midowga Yurub u
qaabilsan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulamada isdaba jooga ah oo uu Madaxweynaha
dalka la yeelanayo wakiilo ka kala socoday beesha caalamka kuwaas oo kala
xaajoonayay isbadalka dalka, adkeynta amaanka iyo sidii ay gacan uga siin
lahaayeen hormarka maadaama wadanka haatan uu galay isbadal.