Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay la socdaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe u jirsaday wax ka yar 20 km., kaddib markii ay saakay waaberigii ay ka dhaqaaqeen saldhig ay ku lahaayeen degaanka Qalimow ee isla gobolkaas.
Xoogaggii Al Shabaab ee gacanta ku hayey magaalada Jowhar ayaa lagu soo warramayaa in ay durbaba billaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, kaddib markii ay ka war heleen in ciidamada huwanta ah ay soo gaareen degaanka Buurow oo ku dhow Jowhar.
Xaaladda magaalada Jowhar ayaa ah mid laga dareemayo xaalad kacsanaan ah, waxaana la sheegayaa in maamulka Shabaab ee magaalada Jowhar ay amar ku bixiyeen in dhammaanba dugsiyada magaalada la fasaxo, taasoo dadweynaha ku dhaqan magaalada ku beertay cabsi.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka gaabsaday inuu wax ka sheego goorta ay ciidamadoodu qorsheynayaan inay gudaha u galaan magaalada Jowhar xilli ay jiraan warar kala duwan oo ay qaar sheegayaan in xoogaggii Shabaabku ay magaalada isaga baxeen.
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sanadihii ugu dambeeyey xarun muhiim ah u ahayd xoogagga Shabaab, taasoo haddii ay suurtagasho in lagala wareego fududeyn doonta weerar laba dhinac ah oo ay ciidamada huwanta ah ku qaadaan degmada Buula-Barde ee gobolka Hiiraan.