Ammaanka magaalada Muqdisho oo xalay aad loo adkeeyey


Ammaanka magaalada magaala-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa habeenimadii xalay si weyn loo adkeeyey, kaddib markii waddooyinka iyo isgooysyada waaweyn  ee magaalada lasoo dhigay ciidamo aad u fara badan.

Howlgalladaasi lagu adkeynayey ammaanka caasimadda ayaa waxa ay billowdeen xalay wixii ka dambeeyey waqtigii maqribnimada, ayadoo ciidamo aad u fara badan oo isku baahinaya dhammaanba qaybaha magaalada la arkayey, kuwaas oo isu diyaarinayey sugidda amaanka magaalada.

Ciidamada lagu arkayey waddooyinka ayaa waxa ay ka koobnaayeen ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabadsugidda, kuwaasoo si aad ah ugu qalabeysnaa hub iyo gaadiid fara badan, ayna ka muuqatay feejignaan fara badan.

Howlgalkan ayaa waxa uu yimid xilli maalmihii u dambeeyey ay soo muuqaneysay in ammaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayey, kaddib markii toddbaadkii hore la fashiliyey isku day lagu doonayey in lagu qarxiyo hoteel uu deganaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo qaraxyadii ka dhacay maqaayad ku tiil agagaarka Guriga Hooyooyinka oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, sidoo kalena ay soo bateen dilalka qorsheysan ee lala beegsanayey dad u badnaa bahda warbaahinta.


Add New Comment