Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen dad fara badan oo ay ku jireen weriyeyaal ka shaqeynayey warbaahinta qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.
Cambaareynta Mareykanka waxa ay ku soo baxday war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska dowladda USA u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
War-saxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay sida dowladda Mareykanka uga xun tahay falkaasi waxshinimo ee lala beegsaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxaana tacsi loogu gudbiyey eheladii dadkii ku geeriyooday falkaasi, ayadoo kuwii ku dhaawacmayna loo rajeeyey caafimaad.
War-saxaafadeedka uu soo saaray xafiiska Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa falkii lagu laayey dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii magaalada Muqdisho ku tilmaamay fal argagaxiso oo la doonayey in lagu carqaladeeyo nabadda Soomaaliya.