KA FAAIIDEYSO NIDAAM GANACSI OO HORUMARSAN (Qeybta 2aad) - Dr.Abdullahi Miftaah



Qeybta 2aad ( Dr.Abdullahi Miftaah )

Executive Summary: waa qaybta ugu horaysa ee lagu qoraayo qorshaha shirkadda (business plan) taaso oo macnaheedu yahay in aad si kooban u sharaxdo waxa aad qabanyso waxa uu yahay, cida macmiisha kuu noqonaysa, cidda leh shirkadda, nooca ganacsiga aad samaynayso iyo dhamaan mustaqbalka shirkadda.

Meeshani waa halka aad ku sheegayso nooca shirkaddani tahay sida

1-(Sole Proprietorship) haddii uu yahay shirkadd qof keligii leeyahay

2-(Partnership) Ama iney tahay is-kaashato oo ah shirkadd ay wada leeyihiin laba qof ama in kabadan oo gala heshiis ujeedadooduna ay tahay in ay wadaagaan faa’iido iyo khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda,

3- (Private Limited Company ) oo iyana ah shirkadd leh saami wadaagayaal (shareholders) waana shirkad ay xadayso shares-ka, taasoo lagu qeexo shirkadd aan usoo bandhigin saamiyadeeda dadweynaha si ka duwan sida public limited companies.

Fadlan si fiican u faahfaahi halkan oo cad waayo waa muraayadda shirkadda.

III. Sifada guud ee shirkadda (General company description)

Halkan waxaad ku sheegtaa nooca ganacsiga aad gelayso, iyo waxaad samaynayso.

Halkan inta badan shirkadduhu waxa ay ku sharraxaan sababta ay u samaynyaan shirkaddan iyo nidaamka ay raacayaan. Taas oo ay badanaa raaciyaan waxyaalaha ay shirkaddu higsanayso (company goals), halkee ayaad rabtaa in aad shirkadda ka samayso? Yaa aad rabtaa in aad wax ka iibiso, mustaqbalka dhaw iyo ka fog sidee kuula muuqdaa in aad u guulaysan karto? Dhinacee ayaad ku xooganan kartaa dhinacee ayaad se ku liidan kartaa? Maxaa shirkadda guulayn kara? Maxay shirkaddaha kula loollamayaa kaaga sarayn karaan? Maxaa khibrad ah ama xirfad ah ee aad kusoo kordhin kartaa shirkadda?

Haddii ay shirkaddu tahay shirkadd qof keligii leeyahay (sole proprietorship), ama shirkadd ay wada leeyihiin laba qof ama in kabadan oo gala heshiis ujeedadooduna ay tahay in ay wadaagaan faa’iido iyo khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda (partnership), Private Limited company oo iyana ah shirkadd leh saami wadaagayaal (shareholders) maxaad ku dooratay nooca shirkaddan?

IV. Products and services: (badeecadaha ama adeegyada)

Halkan waxaa si qoto dheer loogu qorayaa badeecada ama adeega aad gadayso waxa uu yahay kedibna waxad sheegaysaa waxyaalaha ku saacidi kara in aad badeecaada ama adeega ku guulaysato, tusaale ahaan tayada waxa aad gadayso (quality), qiimaha aad ku gadayso (pricing) iyo sidoo klae meesha aadk ugadadeyso allabta( local market ).

V. Marketing Plan (nidaamka suuq-geynta)

Si kastaba ha u fiicnaato badeecadaadu ama adeegaagu waa ay adag tahay sida ay u guulaysto shirkadd aan lahyn nidaam hufan oo suuqgayneed (effective marketing plan). Halkani waa halka u baahan in aad looga taxadiro, si fiicana looga baaraan dego. Aad ayay khatar u tahay in si fudud loo yidhaa waan ogahay sida suuquu uu noqon doono. Waxa ay shirkadd ama qof waliba oo ganacsi samaynayaa u baahan yahay in uu sameeyo daraasad suuq-xog uruurin (market research) sidaoo kale aad ogaataa alaabta aad gadeyso inay tahay FAST ITEM MOVING .

Waxaa jira laba nooc oo loo sameeyo daraasadaha xog uruurinta suuqa (market research): qarash xoog leh ayay ku bixiyaan shirkadaha waaweyn daraasad lagu sameeynayo suuqa aad rabto inad badeecadaada geyso waxeyna ugu talo galeen iney ku soo ogaadaan local market etc

Daraasada koowaad (Primary research) macnaheedu waa in aad adigu si toos ah warbixinta usoo uruursato, adiga oo lakulmaaya dadka, booqanaya shirkadaha sameeya ganacsigaaga oo kale, eegaaya goobaha ku haboon, laakiin waxa suurto gal ah in uu kharash badan kaaga baxo daraasadan.

Daraasadda labaad (Secondary research) macnaheedu waa in aad fiiriso daabacadaha wararka laga helo sida majaladaha ay leeyihiin shirkaduha ama warshaduhu, joornaalada, wargaysyada. Waxaana wararkan inta badan laga heli karaa maktabadaha lagu kaydiyo buugaagta, rugta ganacsiga iyo meelaha dawladaha. Waxaa kale oo jira warbixino ku jira mareegaha internet ka (websites).

Nidaamka suuq-gaynta hanoqodo mid shay gaar ah la raadinaayo, loona raadinayo sida ugu macquulsan (specific and possible), samee tiro koob, tirooyin iyo meesha saxda ah ee wax kasoo bilaabmaan (sources).

LA SOCO ” ‘ ” ‘ TODDOBAADKA DAMBE INSHA'ALLAAH


Add New Comment