Xeefoow: Wadahadal ayaan lagalaynaa garabka 2-aad ee Ahlu Sunna


Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe aya waxa ay shaaca ka qaadeen inay wadahadal la galayaan garabka labaad ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.

Xilli dhawaan degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud looga dhawaaqay garab cusub oo ka mid ah Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca islamarkaana sameystay Maaamul ayaa waxaa arrimaahaasi ka hadlay Ahlu Sunnada guud ee gobolada dhexe kuwaasi oo sheegay inay wada hadal lagalayaan garabkaani cusub.

Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow oo ah gudoomiyaha guddiga fulinta ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wada hadal ay lagalayaan garabka cusub ee Ahlu Sunna oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha guddiga Fulinta ayaa waxaa uu tilmaamay in Ahlu Sunnada cusub ee looga dhawaaqay degmada Caabud-waaq ay waydiinayaan sababta keentay in Maamul kale lagu dhawaaqo, isagoo tilmaamay in sidoo kale ay waydiin doonaan kalsoonida ay kahaystaan shacabka ku dhaqan gobolada sida uu hadalka u dhigay.

Horey ayaa Garab labaad oo Ahlu Sunna ah, waxaa looga dhawaaqay degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, iyagoo sheegay inay dar dargalinayaan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab islamarkaana ay wanaagjinayaan xiriir kala dhexeeya dowladda KMG ah iyo Beesha Caalamka ah.


Add New Comment