Dowladda KMG oo sheegtay inay weerar ku tahay gobollada dalka


Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdikariim Yuusuf Aadan (Gen.Dhagabadan) oo u warramayey idaacadaha maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay goordhow weerar ku qaadi doonaan gobolada ay ka taliyaan Xarakatul Shabaab.

General Dhagabadan ayaa waxa uu sheegay in gobolada dalka ee ay maamulaan Shabaabku ay haatan ka socdaan dagaalo, ciidamada dowladduna ay mar dhow gaari doonaan gobollada aan weli lagu dagaalamin Shabaabkana ay ka saari doonaan, waa sida uu sheegaye.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku cagajugleeyaan inay Xarakatul Shabaab dagaal kaga saari doonaan gobollada dalka ee ay ka taliyaan, hase ahaatee arrintaas ayaanan hadda ahayn mid muuqata maadaama ay xoogaggii Shabaabku ay weli ku sugan yihiin 2 degmo oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo kala ah Dayniile iyo Heliwaa.


Add New Comment