Midowga Afrika oo sheegay in lasoo kordhin doono Ciidamada AMISOM


Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa sheegay in Soomaaliya u soo diri doonaan 3000 oo askari oo dheeraad ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona howlgalka ciidamada AMISOM ay haatan ka wadaan  gudaha magaalada Muqdisho.

Mr. Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu maalnimadii shalay xaqeejiyey in Soomaaliya la keeni doono ciidamo dheeraad ah oo ka kala iman doona dalalka Jabuuti iyo Siera Leone kuwaasoo lagu xoojin doono ciidamada AMISOM, si loo fuliyo qorshayaashii dhowaanta laga soo saaray shirkii wada tashiga arrimaha Soomaaliya.

Dalalka Jabuuti iyo Siera Leone ayaa waxa ay diyaariyeen ciidamo ay tiradoodu gaareyso 3000 oo askari oo ay u soo diri doonaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo lagu xoojin doono ciidamada AMISOM ee 9000 oo askari ah ee ka kala socda dalalka Burundi iyo Uganda ee horey usii joogay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa la sheegayaa in ay qorsheynayaan in howlgalladooda ay ku ballaariyaan meelo ka baxsan magaalada Muqdisho oo ay haatan 95% gacanta ku hayaan, waxaana soo kordhaya wararka sheegaya in ay dhowaan ka howlgeli doonaan gobollada koonfureed ee dalka si loogu soo celiyo gacanta Dowladda KMG.

"Waxaan qorsheynaynaa inaan adkeyno ammaanka guud ee Muqdisho oo 95% ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, sidoo kalena la ballaariyo howlgalka lana gaarsiiyo goobaha kale ee ay ka taliso Al-shabaab," ayuu hadalkiisa raaciyay.





Add New Comment