Universal TV oo laga mamnuucay degaanada maamulka Puntland


Universal TV.jpgShaqaalihii TV-ga Universal ee ka howlgeli jiray degaanada maamul-goboleedka Puntland ayaa maanta lagu wargeliyey in ay gebi ahaanba joojiyaan howlihii tv-ga uu ka qaban jiray degaanada maamulkaasi, kaddib markii Universal is hortaageen tebinta qudbaddii uu hoggaamiyaha maamulkaasi Cabdiraxmaan Faroole uu ka jeediyey shirkii Brussels ee New Deal for Somalia.

Wareegto qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa lagu caddeeyey in TV-ga Soomaaliyeed ee Universal uusan wixii maanta oo sabti ah ka billowda uusan ka shaqeyn karin degaanada maamul-goboleedkaasi.

Sidoo kale waxa hay'adaha ammaanka ee Puntland lagu amray inay ay dabagalaan dhaqan galinta go'aankaasi laga gaaray Universal TV, ilaa iyo haatanna wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Universal ma jiraan.


Add New Comment