Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku maraya dalka Mareykanka ayaa maalinimadii shalay magaalada Washington kula kulmay xoghaya arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka Mr. John Kerry.
Madaxweyne Xasan iyo Mr. Kerry ayaa kulankooda kaga wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal, horumarka ka socda dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda Mareykanka gacan uga geysan lahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in Soomaaliya ay cagaheeda dib isugu taagto.
Kulanka kaddib, shir jaraa'id oo ay wada qabteen labada mas'uul ayaa waxa uu xoghaye John Kerry sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ka taageeri doono dib-u-dhiska hay’adaha qaranka, xoojinta ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeedda iyo horumarinta dimuqoraadiyadda iyo maamul wanaagga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa asagana ugu dambeyntii dhankiisa ka mahad celiyay taageerada Mareykanka uu la garab tahay dalkiisa Soomaaliya oo ay aafeeyeen dagaallada sokeeye ee soo jiitamayey muddada ka badan 20-ka sano.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa waxa ay hadda dalka Mareykanka u joogaan ka qaybgalka shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhowaan ka furmi doona magaalada New York.