Boolis Nigerian ah oo soo gaaray Muqdisho


Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Ciidamo boolis ah oo qeyb ka noqda howlgalka AMISOM ee ka socda gobolada kala duwan ee ka socda dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga ee dowladda Nigeria ayaa tibaaxay in Magaalada Muqdisho ay ka dageen 140-askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Nigeria kuwaasi oo hor dhac u ah Ciidamo kale oo gaara Magaalada Muqdisho.

Askartaani ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in Muqdisho ay soo gaareen maalinnimadii Arbacada, kuwaasi oo Dowladda Nigeria ay sheegtay inay sii xoojin doonaan howlgallada AMISOM oo la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka, loogana hortago Ururka Al Shabaab.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Uqeybsanaha Ururka Midowga Afrika Diyara ayaa lagu sheegay in ciidamadaani ka socda dalka Nigeria ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha qalafsan ee horey ugu jiray Soomaaliya, iyagoo qeyb ka noqonaya ololaha la doonayo in lagu illaaliyo dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn Dowladda Nigeria ayaa waxa ay horey u ballaan qaadday in Ciidamo qeyb ka noqda howlgalka AMISOM ay usoo dirayso Soomaaliya kuwaasi oo markii ugu horeysay Muqdisho soo cago dhigtay Maalinnimadii Arbacada.


Add New Comment