Maraakiib dagaal oo xalay duqeeyey magaalada Kismaayo
Warar naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ay maraakiib dagaal oo ku sugnayd xeebaha ay duqeeyeen magaalada, taasoo argagax ku abuurtay dadka ku dhaqan magaaladaasi.
Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday dekedda magaalada iyo xarumo ay magaalada ku leeyihiin xoogagga Xarakatul Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee iskaashanaya, waxayna wararka qaar sheegayaan inay ahayd mid aad u culus.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntaas oo ka soo baxay dhanka Xarakatul Shabaab, sidoo kale waxaan la ogeyun qasaaraha ka dhashay duqeyntaas oo timid kaddib markii maalinimadii shalay ay xoogagga Al-Shabaab ku soo bandhigeen gudaha magaalada Kismaayo meydadka afar askari oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo ciidamada Kenya lagaga dilay dagaallo maalmahanba ka soconayey inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo magaalada Kismaayo.
Add New Comment
|
|
|