Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.
Dadka ku dhaqan degmada Mahadaay ayaa xaqeejiyey in ciidamada wada socda ee dowladda iyo AMISOM ay haatan ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha degmadaasi, sidoo kalene sheegay in xoogaggii Al-Shabaab ee horey u maamuli jiray degmada ay gebi ahaanba isaga baxeen.
Degmada Mahadaay oo 30 Km waqooyiga kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa degmadii 3-aad ee gobolkaasi ee soo gasha gacanta dowladda Soomaaliya, ayagoo horey u soo qabsaday degmooyinka Balcad iyo Jowhat.
Waxa aan weli si rasmi ah loo ogeyn wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalkii ay ciidamada huwanta ahi kula wareegeen gacan ku heynta degmada muhiimka ah ee Mahaadaay, sidoo kale waxa aan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen ciidankii Al-Shabaab ee degmada isaga baxay.