Somaliland oo soo dhoweysay hadalkii madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud


JSL.jpgMaamulka Somaliland ayaa soo dhoweeyey isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorashada dhowaan barlamaanka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku soo doorteen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay inay u hambalyeynayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo in maamulka Somaliland uu soo dhoweynayo qudbaddii uu madaxweynaha Soomaaliya kaga hadlay munaasabaddii caleema-saarka ee dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee uu xilka kula wareegay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, taasoo uu madaxweynuhu si taxadir leh u soo qaatay arrimaha ku saabsan Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay sii wadidda wadahadalladii u socday labada dhinac, asagoona meesha ka saaray in wax iska beddeleen mowqifkii Somaliland ee gooni isu-taagga.

Wadahadallada labada dhinac ayaa waxa soo billaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariid Sh. Axmed iyo madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, kaddib markii ay ku kulmeen magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.



Add New Comment