Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Wasiirka Gaashandhiga Talyaaniga Mario Mauro oo kulan ku yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah u kala saxiiday hishiis dhanka militariga ah.
Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in hishiiskan uu la xiriiro taageerada iyo tabarada ciidamada Milatariga Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray In talyaanigu uu ka saacidi doono ciidamada Milatariga dhinaca qalabeynta iyo tababarada.
Hishiiskan ayuu wasiirka gaashandhiga ku tilmaamay in uu yahay mid soo dedejinaya sidii loo soo afjari lahaa kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab, oo hada hab dhuumaaleysi ah iyo meelo kooban ku joogo dalka.
Kulankan hishiiska iskaashiga wasaaradaha gaashaandhiga soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa sidoo kale dhinca Soomaaliya ka qeybgalay taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya jeneral Afqarshe, iyo taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya iyo saraakiil kale.
Sanadkii hore ayey wasaaraha gaashinga Soomaaliya iyo Turkiga uu dhex maray hishiis iskaashi oo sidan oo kale.