Dowladda Maraykanka ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageeradii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya, ayna si wanaagsan ula shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warkan ayaa waxa sheegay ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan mar uu maanta shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.
Ergayga Mareykanka ayaa sheegay inay rajeynayaan in golaha wasiirrada cusub ee la soo magacaabi doono ay isugu jiri doonaan xubno ku cusub siyaasadda Soomaaliya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay oo leh khibrad siyaasadeed.
James wuxuu sheegay in dowladda cusub laga filayo sii wadidda horumarka muuqda ee la gaaray sida dowlad wanaagga, isla xisaabtanka iyo adeggyada bulshada.
Isagoo ka hadlayay taageerada Maraykanka uu u hayo dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuu tusaale u soo qaatay warkii qoraalka ahaa ee xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Hillary Cllinton, ay ugu hambalyeysay madxweynaha cusub.
Wuxuu sheegay inay dowladdiisa sii xoojin doonto kaalmada bini’aadannimo ee ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaallada ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Hasa yeeshee, wuxuu sheegay in kaalmadaas loo marinayo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada aan dowliga aheyn.