Ciidamada Dowladda ee Jubooyinka oo ka hadlay xaaladda duleedka Kismaayo


Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta uga warramay halka ay marayaan howlgallada ciidan ee ka socda agagaaraha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay kula dagaalamayaan xoogag ka tirsan Shabaab.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee howlgallada gobollada Jubooyinka oo u warramayey warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa dowladda Kenya ee ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay aad ugu dhowaadeen magaalada Kismaayo.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin meel 40 Km u jirta magaalada Kismaayo, ayna qorsheynayaan in ay magaalada Al Shabaab kala wareegaan saacadaha soo socda si shacabka Kismaayo loogaga xoreeyo dhibaatada Shabaab.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku soo gebagebeeyey in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ay xoogaggii Al Shabaab ku gaarsiiyeen qasaare aad u weyn, halka dhanka ciidamada dowladda uu ku sheegay in uu soo gaaray qasaare aad u kooban.


Add New Comment