Guddoomiyaha Barlamaanka oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay


JawaariB.jpgGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo xubno labada gole ee dowladda uga jira beelaha DM ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Socdaalka guddoomiye Jawaari iyo xubnaha la socda ayaa ka dambeeyey baaq uga yimid odayaasha dhaqanka ee beelaha DM oo maalmihii u dambeeyey caro xooggan ka muujinayey heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulka KMG ee Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo qaabkii loo xulay wufuuddii dowladda ee ka qaybgashay shirkii maalinimadii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Brussels.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamul goboleed laga dhiso gobollada Baay iyo Bakool uu noqdo qorshe fadhiya oo la isku raacsan yahay oo horseed u ah Soomaalinnimo iyo wax wada qabsi, si looga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in aanan loo baahneyn wax walba oo dib u dhac u keeni kara hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Shalay ayaa magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeeday shirka hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium.


Add New Comment