Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta
Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ka Socda Jamciyadda Quruumaha Ka dhxeysa kuwaasi oo
maanta Soo gaaray Caasimada.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ayaa
kulankan uu la qaatay xubna ka socday qaramada midoobay kuwaas oo uu
hoggaaminayay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaaliya
antinomy burneury iyo saraakiil kale.
Waxaana kulanka uu ahaa mid albaabada u xeran oo saacada badan qaatay kaas oo
inta uu socday lagu lafaguray arrimo u badnaa doorka qaramada midoobay ee
Soomaaliya iyo hambalyeeynta Madaxweynaha jamhuuriyada fedaraalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Markii uu soo idlaaday kadib kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay
kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Antonym
Burneury waxaana uuna sheegay in uu Madaxweyanaha hambalyo uga wada Baanki Moon
mas’uuliyadda culus ee loo dhiibay isagoo xaqiijiyay in qaramada midoobay ay ku
qanacsan tahay natiijadii ka soo baxday doorashadii uu ku guulaystay madaxweyne
Xasan Sheekh.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka oo 10-kii bisha lagu doortay
magaalda Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markaasi sii kordhaya taageerada iyo
kalsoonida ay u hayaan bulshda Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka taas oo fursad u
siin doonto Madaxweynaha cusub in uu ku guulaysto xilka culus ee loo
igmaday.