Waxaa saakay xaalad deganaansho oo aan caga badan ku taagneyn laga soo sheegayaa deegaanno hoostaga xarunta gobolka Jubbada Hoose ee magaalada Kismaayo oo ay shalay dagaallo xoogan ka dhaceen.
Dad goobjoogayaal ah ayaa idaacadaha maxaliga ah u sheegay in xaalku uu saakay deggan yahay, in kasta oo dhinacyadii shalay degaannadaasi ku dagaalamay ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakatul Shabaab oo dhinaca kale ah.
Waxaa saakay degaanadaasi laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan xoogagga iska soo horjeeda ee ay dirirtu u dhexeyso, waxayna ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa waddanka Kenya sheegayaan in ay sii wadi doonaan duulaanka ay ku doonayaan inay kula wareegaan magaalada Kismaayo.
Dhinaca Xarakatul Shabaab ayaan ka hadlin dagaaladii shalay dhacay iyo sheegashada ciidamada dowladda ee ah inay la wareegeen degaano ku dhowdhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, hase ahaatee waxa muuqata in Shabaabku ay si adag u difaacayaan magaalada Kismaayo oo ah magaalo leh deked muhiim ah oo ay xarakadu gacanta ku heyso.