Midowga Jaaliyadaha beesha Silcis oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee dalka


Midowga Jaaliyadaha beesha Silcis Gorgaate ee Afrika, Amerika, Asia, Australia iyo Europe oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, labada guddoomiye ku-xigeen  iyo mudanayaasha cusub ee Golaha Barlamaanka.

Midowga Jaaliyadaha beesha Silcis Gorgaate waxay sidoo kale dhacdo taariikhi ah ku tilmaameen sidii sharafta lahayd ee uu madaxweynihii hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u aqbalay natiijadii doorashada iyo guulihii ay gaartay dowladdii kmg ee uu hoggaaminayey oo dalka soo gaarsiisay inuu ka baxo xilligii KMG.

Ugu dambeyntii Midowga Jaaliyadaha beesha waxa hambalyo guud u direen ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxayna Allaah uga baryeen in hoggaanka cusub ee uu dalku yeeshay uga dhigo kuwii dhibaatada raagtay ka saari lahaa ummadda Soomaaliyeed, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudna uu Ilaah u fududeeyo howsha weyn ee ay ummadda ka sugeyso.

Xarunta Midowga Jaaliyadaha
Beesha Silcis Gorgaate
London - UK

Add New Comment