Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa u Ambabaxay Magaalada Brussels


Wafdigan uu hogaaminaayo madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee caawa ka ambabaxay magaalada muqdisho ayaa waxa uu ku sii jeedaa  magalada Brussels ee xaraunta dalka Belgium halkaas oo uu madaxweynaha uga qeyb galayo shir loooga hadlayo   hiigsiga cusub  ee New Deal.

Madaxweynaha ayaa safarka uu caawa ku aaday magaalada Brussels waxaa ku wehliyo ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam,wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Shiik C/qaadir,Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleeymaan,iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo aya waxaa garoonka ku sii sagootiyay ku simaha madaxweynaha ahna godoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),ra’iisul wasaraha dalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo qaar ka tisrsan xubnaha  labada gole ee dowlada.

Agasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan ayaa warbaahinta uga waramay socdaalka wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha,isagoo sheegay in madaxweynaha uu magaalada Brussels uga qeyb galayo shirka hiigsiga cusub ee new Deal.

Kamaal Daahir Xasan agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in shirka Brussels uu yahay shirweeyne looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta soomaaliya,iyo sidii wadamada caalamka ay u taageeri lahaayeen qorshayaasha ay soo gudbisay dowlada soomaaliya.

Maalinta Isniinta ee soo socota ayaa la filayaa in magaalada ee xaraunta dalka Belgium uu ka furmo shirka hiigsiga cusub ee New Deal oo la Filayo in lacago badan loogu yabooho dowlada soomaaliya.


Add New Comment