Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo laga taageeray gudaha iyo dibeddaba
Waxa soo kordhaya taageerada lagu soo dhoweynayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinimadii Isniinta uu barlamaanka Soomaaliya ku doortay magaalada Muqdisho.
Dalal kala duwan iyo ururro caalami ah ayaa si weyn u soo dhoweeyey isbedelka sida demoqaraadiyadda ah uga dhacay dalka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Masar, Qatar, Imaaraadka Carabta, Jibuuti, Ethiopia, Kenya iyo dalal kale oo fara badan.
Waxa sidoo kale doorashada madaxweynaha cusub si weyn u soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Ururka IGAD iyo ururro kale oo caalami ah.
Waxaa intaasi dheer taageero madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo gaareysa ummadda Soomaaliyeed oo ka kala imaaneysa Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlu Sunnah Wal Jamaaca, maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan, maaulka iyo dadweynaha gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Add New Comment
|
|
|