Meydadka askar Soomaali iyo Kenyan isugu jira oo Kismaayo lagu soo bandhigay


Dagaalladii shalay ilaa iyo xalay ka soconayey gobolka Jubbada Hoose kaddib ayey Xarakatul Shabaab guulo ka sheegteen, ayagoona isla mar ahaantaas soo bandhigay meydadka askar isugu jirta kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwo Kenyan ah.

Meydadkaan ayaa waxa lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, meydadka askartaas oo tiradooda lagu sheegay 4 askari ayaa labo ka mid ah lagu sheegay inay ahaayeen Soomaali halka labada kalena ay ahaayeen kuwo ka tirsan ciidamada Kenya.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan meydad kale oo Kenyan ah, gawaari bad qaba oo ay gacanta ku dhigeen, kuwaasoo ay sheegeen inay saxaafada u soo bandhigayaan.

Dagaaladii shalay oo ahaa kuwii ugu kululaa ee ka dhaca Jubooyinka tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen deegaanadaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-ruux.

Al-Shabaab oo xalay gudaha u galay degmada Afmadow, markii dagaal lama filaan ku qaadeen ayay markii dambe isaga soo baxeen, inkastoo Saraakiisha dowladda ay beeniyeen.

Meydadkan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay oo ay Al-Shabaab soo bandhigaan, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay dagaalo kula galeen deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

meydad.jpg


Add New Comment