Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjireyaal


MrPresid (2).jpgMadaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahayd sidii ay u taageeri lahaayeen heshiiskii dhawaan dalka Ethiopia ku dhex maray Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

Dajirayaasha uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmay waxaa ka mid ahaa, darjiaha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, danjiraha Ingiriiska, Sweden, Suudaan, Itoobiya, iyo wakiilada dalalka Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika,  urur goboleedka IGAD iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan, waxaana uu warbixin ka siiyay shirka Addis Ababa ka dhacay iyo sidii ay caalamka dhankooda u muujin lahaayeen taageerada ay u hayaan heshiiskaasi hour dhaca ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in kulanka lagu gorfeeyay arrimo badan, Madaxweynuhuna uu wakiilada beesha caalamka u sheegay in heshiiskii ay wada gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

“Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay sidii loo taageeri lahaa dhaqan gelinta shirarka Muqdisho iyo kan Kismaayo ka dhacaya, si heshiisku uu u noqdo mid taaba gala, waxaa kaloo uu Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay kaalmo la gaaraan shacabka ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo si ay kaalmo u helaan” ayuu Afhayeenka hadalkiisa ku daray.

Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu carabka ku adkeeyay in la tixgelin doono cabashooyinka dadka, waxaana uu ku baaqay in la muujiyo dulqaad fara badan.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in danjirayaasha uu Madaxweyne Xasan ka siiyay warbixin ku saabsan shirka maalinta berito ah ka furmaya magaalada Muqdisho ee looga hadlayo mustaqbalka Siyaasadda ee Soomaaliya.


Add New Comment