Waxa maanta garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi uu horkacayo madaxweynaha Maamulka-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Madaxweyne Qaybdiid ayaa garoonka dayaaradaha kula hadlay warbaahinta sheegayna in ujeeddada socdaalka asaga iyo wafdigiisuba ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ay la xiriirto arrimo ku saabsan sidii maamulka Galmudug uu uga qaybgeli lahaa shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya lagaga yeelanayo magaalada Brussels 16-ka bishan aynu ku jirno ee September.
Madaxweynaha Galmudug ayaa asagoo hadalkiisa sii wata sheegay in magaalada Muqdisho ay horey u sii joogeen ergo ka socotay maamulkiisa si ay uga qaybgalaan shirka dib-u-heshiisiineed ay dowladdu ku dhawaaqday in maalinta berrito ah uu ka furmi doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah maamullada ka jira dalka ee sida weyn u taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena ka mid ahaa saxiixayaashii qorshihii Roadmap-ka ee ay Soomaaliya kaga baxday dowladihii kmg ahaa ee dalka soo maamulay.