Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saldhig weyn ka sameystay saldhiggii hore ee ciidamadii cirka Soomaaliyeed ee degaanka Ballidoogle oo ka tirsan degaannada hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdikariim Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa warbaahinta u sheegay in garoonka Ballidoogle uu saldhig u noqon doono ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Midowga Afrika.
Hadalka Gen. Dhagabadan ayaa ku soo aadaya xilli uu dhowaan ka dhawaajiyey in ciidamada dowladdu ay qorsheynayaan inay isu furayaan magaalooyinka ugu waa weyn koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo, ayadoo la wareegidda Ballidooglana ay fulinta qorshahaasi ahmiyad weyn u leedahay.