Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
oo socdaal ku jooga dalka Uganda ayaa magaalada Kampala kula kulmay maanta
dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki oo ay ka wada qeybgalayaan sanadguuradii 50aad
ee kasoo wareegatay markii ay Uganda xornimada qaadatay.
Kulanka maanta ku dhexmaray magaalada Kampala labada Madaxweyne ee Soomaaliya
iyo Kenya ayaa waxaa Madaxweyneyaasha ku wehliyey saraakiil dhanka ciidammada ah
ayadoo intii uu socday qodobadii looga hadlay shirkaasina ay ugu weyneyd
howlgallada ay Ciidammada Kenya oo qeyb ka ah Ciidammada AMISOM ka wadaan
gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey
Madaxweynaha Dalka Kenya doorka ay Ciidammadiisu ku leeyihiin howlgallada dalka
looga xoreynayo Maleeshiyada kooxda Al-Qaeda taasi oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ku tilmaamay mid aysan dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed iloobi
doonin.
Gebagebadii kulanka ayey labada Madaxweyne isku afgarteen in lasii xoojiyo
xiriirka soo jireenka ah ee ku dhisan daris wanaaga iyo in sidoo kale lasii laba
jibaaro sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah argigixisada
gobolka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doono munaasabad lagu maamuusayo
sanad guuradii 50aad ee kasoo wareegatay markii uu dalka Uganda xornimada
qaadatay.