Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta ka hadlay dib u
dhaca ku yimid bakhtiyeenasiibka ay ganacsatadu u galayaan bacadlaha suuqa
degmada Xamarweyna.
Gudoomiye Tarsan oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada
Muqdisho ayaa tilmaamay bakhtiyeenasiibkii loo qaban lahaa ganacsatada oo ay ku
dooran lahaayeen nambarada dukaamada bacadlaha suuqa Xamarweyne uu dib u dhac ku
yimid sababo farsamo halkii loo qoondeeyey in maalinnimada berri ah
bakhtiyeenasiibkaasi loo qabto ganacsatadana loo dhigay 18ka bishan oo uu dhici
doono bakhtiyeenasiibka.
Waxa uu rajeeyey Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho
Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan in bakhtiyeenasiibkaasi loo qabanayo
ganacsatada uu ku dhaco jawi wanaagsan islamarkaana ay ganacsatadu si cadaalad
ah ku doortaan nambarka goobta ganacsi ee ay heli doonaan.
Bacadlaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maamulka gobolka
Banaadir uu ku sameeyey dib u dhis taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu soo
nooleynayo bilicda Caasimadda laguna soo celinayo adeegyadii guud.