Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Soo Saaray Amaro Kala Duwan


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu uga digay dadka caadeystay in ay dhistaan hareeraha wadooyinka  magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama  iyo kuwa  ku  gooyay dhagxaanta , isagoo sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku bur burin doonaan goobahaasi oo loogu talo galay meelo ay maraan dadka.

Guddoomiye Tarsan  ayaa waxaa uu ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan bilic soo celinta magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay wadadaasi in ay ku howlanyihiin dib u dhisid ay ku sameynayaan oo qeyb ka ah qurxinta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur  (Tarsan ) ayaa mar kale ku celiyay in xoolaha aan lagu qali Karin meelo aan aheyn Kawaan Bari degmada C/casiis ee gobolka Banaadir gaar ahaan xoolaha la gowracayo maalmaha  lagu guda jiro Ciidul Adxa oo inta badan la gowraco xoolaha, waxaana uu si cad u sheegay cid alaala cidii lagu arkaa iyadoo xoolaha ku gowraceysa laga qaadi doono talaabo sharciga Waafaqsan.

“Amarkani ka soo baxay Dowladda Hoose cidii fulin weysa oo aan ku aragnaa iyadoo xoolaha ku gowraceysa meela aan aheyn kawaanka loogu talo galay waa lagala wareegayaa xoolaha anagoo ka fiirsan doona shaqada dalka ay ka heyaan hey’adaasi ama shaqsigaasi, waxaan u  aragnaa cidaan rabin dowladnimada mana u dul qaadan doono in fowdo ay ku sii socoto dalka” ayuu yiri guddoomiye Tarsan.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha  maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in meelo  cayiman ay u sameeyeen ganacsatada qaadka ku iibisa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, inkastoo aad uu ugu sheekeeyay dhibaatada laga   dhaxlo qaadka haddana ay qadarinayaan qoysaska ku nool ka ganacsiga jaadka maadaama dalka shaqo la’aan ay ka jirto sida uu yiri.


Add New Comment