Iskahorimaad Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska dowladda iyo kuwo madani ah


­ Iskahorimaad u dhexeeyay ciidammo booliis ah iyo kwuo madani ah ayaa maanta ka dhacay dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyay.

Laba askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo booliis ah, sida uu HOL u sheegay goobjooge ku sugnaa goobta uu iskahoirmaadku ka dhacay.

“Dagaalku wuxuu ku bilowday, khilaaf soo dhexgalay ciidanka madaniga ah ee degmada Waaberi iyo booliis ah degmada, wuxuuna dagaalku socday muddo kooban,” ayuu yiri goobjooge dukaan ganacsi ku leh degmada Waaberi.

Xaafadaha degmooyinka ay dowladu gacan ku hayso ayaa waxaa ka jira ciidamo madani ah oo ilaaliya amaanka xaafadooda, si ay uga hortagaan in dadka dhac loo geysto, kuwaasoo la dagaalama cid walba oo ay u arkaan inay dhac ka geystaan dadka xaafadahaas ku nool.

Iskahorimaadyada noocan oo kale ah ayaa ka dhaca degmooyinka ay dowladu gacanta ku hayso, iyadoo aanay dowlada iyo maamulka gobolka banaadir ka hadlin iska-horimaadkii maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay gacanta ku haysaa lix degmo oo ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo ay ka dhacaan dagaalo iyo qaraxyo geysta dhibaatooyin shacabka gaara, iyadoo dhinaca kale ay Muqdisho ka socdaan dagaallo goos-goos ah.

Add New Comment